Alshabab oo La Wareegay Gacan Ku Heynta Deegaano Ku Yaala Duleedka Deegaanka Qalimow

0
230

Wararka laga helayo deegaano hoostaga degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan millateriga Soomaaliya ay isaga baxeen Xarumo ay ku lahaayeen Ceelka geeloow iyo Raaxooy oo ku dhow deegaanka Qalimow.

Deegaanka Qalimow oo 30km dhinaca Waqooyi ka xiga degmada Balcad ayaa ku yaalla bartamaha wadada xiriirisa Magaalooyinka Jowhar iyo Balcad, waxaana la sheegay in Ciidamadii ku sugnaa Aaga degaankaasi ay isaga baxeen.

Al-Shabaab oo ku sugnaa meel aan ka fogeen deegaanka Qalimow ayaa waxaa ay sheegteen inay la wareegeen Saldhigyadii ay baneeyeen Ciidamada Dowladda ee Ceelka geeloow iyo Raaxooy.

Ilaa iyo hada lama oga sababaha ay ciidamada dowladda u baneeyeen deegaannada Ceelka geeloow iyo Raaxooy.