Howlgalo Xalay Laga Fuliyey Degmada Afgooye oo Lagu Soo Qabqabtey Dad Kor u Dhaafay 100 Ruux

0
96

Ciidamo katirsan booliska Soomaaliya ayaa waxaa ay saacadihii la soo dhaafay howlgal dad lagu qabqabtay ka sameeyeen xaafado katirsan degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka ayaa Ciidamada waxaa ay sigaar ah uga sameeyeen Xaafada 21 Oktoobar halkaas oo xalay fiidkii ay Kooxo hubeysan ku dileen Nabadoon lagu Magacaabi jiray Ibraahim Maxamed Ibraahim kana mid ahaa Ergadii soo dooratay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Ciidamada ayaa wararka aan heleyno waxaa ay sheegayaan in guryaha qaar ay galayeen intii ay howlgalka wadeen, waxaana ay soo qabtay dad ku dhow 100 ruux oo dhalinyaro u badan, kuwaas oo la geeyey Saldhiga booliska Afgooye.

Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay kamid tahay degmooyinka ugu amniga xun Gobolkaasi Shabeellaha hoose, waxaana inta badan ka dhaca dilal kala duwan.