Gudoomiyaha Baarlamaanka oo Maanta Xafiiskiisa Kula Kulmay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Somaliya

0
113

Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay wakiilka gaarka ah xoghayaha guud ee Qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan

Gudoomiyaha iyo wakiilka qaramada midoobey ayaa ka wada hadley arrimo badan oo la xiriira shuruucda hortaala baarlamaanka gaar ahaan kuwa la xiriira doorashooyinka.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wakiilka xoghayaha guud ayaa inta kulanka uu socday isla soo hadal qaaday xoojint xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qaramada midoobay

Waxaana kusimaha madaxweynaha uu James Swan uga warbixiyay xaaladda guud ee dalka iyo sida ay muhiim u tahay in qaramada midoobay ay dar dar geliso taageerada kala duwan ee ay siiso baarlamaanka.