Madaxweynaha Maamulka Jubaland oo Mar Kale Magacaabay Madaxweyne Kuxigeenadii Hore

0
70

Madaxweynaha maamul gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa dib mar kale u magacaabay madaxweyne ku-xigeennadiisii hore Maxamuud Sayid Aadan iyo Cabduqaadir Xaaji Maxamuud Luga-dheere.

Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ayuu u magacaabay Maxamuud Sayid Aadan halka madaxweyne ku-xigeenka Labaad loo magacaabay Cabduqaadir Xaaji Maxamuud Luga-dheere.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa labada Madaxweyne ku-xigeen u rajeeyay in uu Alle u fududeeyo Waajibaadka xilalka loo idmaday.

Maamulka Jubbaland ee cusub ayaa marka laga reebo Baarlamaanka waxaa la oran karaa waxba kama duwana maamulkii afartii sano ee hore iyadoo ay soo wada noqdeen mas’uuliyiintii sar sare sida madaxweynaha ku-xigeennadiisa iyo waliba Guddoonka Baarlamaanka.