Xubnaha Guddiga farsamadaha iyo dhismaha Galmudug oo Maanta Gaaray Magalada Dhuusamareeb

0
71

Magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta waxaa gaaray Xubnaha Guddiga farsamadaha iyo dhismaha Galmudug oo ay dhawaan Magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya.

Guddiga oo ka kooban 13 Xubnood ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb kusoo dhaweeyey Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug, waxaana la geeyey Xarunta Shiirkole ee howlaha doorashooyinka lagu qabanayo.

Xubnaha Guddiga ayaa waxaa ay bilaabi doonaan kulamo ay la qaadanayaan qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya oo xiligaan jooga Magaalada Dhuusamareeb.

Dhanka kale gudigan ay magacowday wasaarada arimaha gudaha ee dowlada federaalka ayaa horey u diiday hoggaanka Ahlusunna iyo qaar kamid ah musharixiinta Madaxweynaha Galmudug, balse aan weli la ogeyn sida ay uga Shaqeyn doonaan Magaalada Dhuusamareeb.