Maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska oo Isku Fahmi La Qaabka Loo Furayo Wadooyinka Xiran

0
80

Waxaa mar kale soo cusboonaatay Xasarada Taliska Booliska & Maamulka Gobolka Banaadir kadib markii Taliye Cabdi Xasan Xijaar uu shaqada ka joojiyey Gudigii 12-kii Bishii Hore September Cumar Filish usaaray inay Soo qiimeeyaan furitaanka Waddooyinka Xiran Muqdisho.

Taliyaha Booliska ayaa ku Andacooday in Xaq uusan ulaheyn Duqa Xamar inuu isaga go’aan keligiis ka gaaro Amniga balse ay og yihiin in Maqaam ahaan Xamar ay Maamul ahaan ku magacaaban yihiin.

Cabdi Xasan Xijaar ayaa sheegay in Qorshe Amni oo diyaarsan loo keeni doono,fulintiisa keliya laga rabo Maamulka Gobolka Banaadir balse Shaqada Amniga ay Booliska leeyihiin keliya.

Ma cada sida uu Duqa xamar uga fal celin doono arintaan xilli uu khilaafka Booliska iyo Gobolka Banaadir uu meel sare sii gaarayo.

Tan iyo markii uu Cumar Filish ku dhawaaqay in waddooyinka la furo ma jirin wax ka hir galay oo weli waa ay xiran yihiin, taasoo Dawlada u aragto in Hadii La furo Shabaabku ay Qaraxyada soo badinayaan.