Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya oo Dhambaal Hambalyo ah u Direy Madaxweynaha Dalka Turkiga

0
59

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhambaal hambalyo ah oo ku aaddan maalinta Jamhuuriyadda dalka Turkiga waxa uu u diray dhiggiisa dalkaas Rajab Dayib Ordogaan.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Dowladda iyo Shacabka Turkiga ee aan walaalaha nahay horumarka ay ku tallaabsadeen tan iyo sannadkii 1923-dii markaas oo dhidibbada loo taagay Jamhuuriyadda Turkiya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay muhiimadda uu leeyahay xiriirka iskaashi ee ka dhaxeeya labada dal, isagoona uga mahad celiyey Dowladda iyo Shacabka Turkiga garab istaagga joogtada ah ee ay u muujiyeen shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u rajeeyey Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Ordogaan, shacabkiisa iyo Madaxda dalkaas caafimaad, farxad joogta ah iyo horumar waara.