Saladinta Reer Awdigil oo Shir wada Tashi ah Uga Socda Magalada Muqdisho.

0
54

Salaadiinta Reer Aw Digil ayaa maalintii shaley waxaa ay kulan wadatashi ah lu yeesheen magalada muqdisho, kulankaasi oo diirada lagu saarayay sidii wax looga qaban lahaa xaalada guud ee ay ku sugan yihiin shacabweynaha Reer Digil.

Kulankaasi ayaa waxaa goob joog ka ahaa dhamaan salaadiinta Beelaha Digil wexeyna si aad ah uga doodeen dhowr qodob oo muhiim u ah shacabka reer Aw Digil.

1- is badalada xilibanada KG iyo tiradaa ladhimayo ee xilibanada KG.

2- Sida loo wajahayo xalada kajirta deganada KG iyo la xisabtanka iyo xaqdhorka dulmiga lagu hayo Digil dhankasta iyo sad bursiga Reer Mirifle iyo waxa kaga aadan Odayasha Digil.

3- kulamada ay kawadaan Gobalka Gudiga Habargidir ah oo ka yimid magalada Hobyo kuwaas oo Damaca dheer ka leh gobolka Gobalka. ayagoo gacansaar la leh Dalaaliinta Reer Mirifle oo la shaqeya gudigaas iyo dadka D&M ee rabo iney fashiliyaan Dowlada KG.

4- sida looga feejignaan lahaa Dadaalka ay wadaan Madaxdii hore ee KG ee ku fashilmay xukunka.

5- Madama Gobalka Shabelaha Hoose yahay Gobalka ugu qeyradka badan isla markana Digil yahay dadka ugu badan halkaasina ku leh 7 degmo in ay ka fikiraan ayaha Dadka, Dalka iyo Gobalka.

6- in ay xirirkii Jaliyada Dibadaha dib loo soo cesho halgankii socdayna la xoojiyo international Comunitigana warbixin joogta ah laga siiyo xalada Gobalka iyo dulmiyada ka socda, Boobka ay damacsan yihiin dadkii Gobalka bahdilay 30kii sano ee lasoo dhaafay. Lagana hadlo xalada ka jirta wadada dheer ee isku xirta Degmada Afgooye iyo walaweyn taasoo si sharci daro ay dadka looga gurto lacago.