Madaxweynihii Hore ee Somaliya oo Sheegey in Xukuumada ay La Damacsaneyd Shirqool Axmed Madoobe Xiligii Doorashada Ka Hor

0
45

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo Shalay loo doortay inuu noqdo Hoggaamiyaha Isbaheysiga Madasha Xisbiyada Qaran ee looga dhawaaqay Muqdisho ayaa shaaciyey qorsho ay Dowladda Soomaaliya la damacsaneyd Madaweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Shiikh Shariif ayaa xusay in Dowladda Soomaaliya damacsan tahay isla markaasna ay tijaabisay in Axmed Madoobe lasoo qabto xarigiisana loo adeegsado ciidamo Ajnabi ah sida uu hadalka u dhigay.

Shiikh Shariif ayaa sheegay inay Dowladda Soomaaliya isku daygaas sameysay ka hor inta aysan dhicin doorashadii ka dhacday Kismaayo ee mar kale xilka madaxweynimo ee Jubbaland loogu doortay Axmed Madoobe.

Wuxuu sheegay in tallaabadaas ay fashilantay isla markaasna ay suurta geli weysay inkastoo uusan faahfaahin ka bixin qorshahaas iyo Ciidamada Ajnabiga ah la adeegsan rabay iyadoo la rumeysan yahay inuu ula jeeday Ciidamada Itoobiya ee ka tirsan howlgalka AMISOM.

Sidoo kale wuxuu sheegay in haddii ay arrintaas dhici laheyd ay keeni laheyd dagaal qabiil oo dib kaga bilowdo Soomaaliya taasoo socon laheyd muddo 100 sano ah sida uu hadalka u dhigay.