Dhegeyso: Reysulwasaare Kheyre oo Sheegay in Ciidamada Loo Kordhiyey Mishaarka

0
61

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa u mahad celiyay wasaaradda maaliyadda oo miisaaniyadda 2020ka ku soo dhammays tirtay waqtigii loogu tala galay, dhammaan hey’adaha dowladda ee ka shaqeeyay kordhinta dakhliga dowladda iyo golaha wassiirada oo iyaguna ansixiyay miisaaniyadda.

Waxaa uu sheegay in miisaaniyadda ay golaha Wasiirada Ansixiyeen ay ku jirto in Ciidanka dowladda mushaarka loo kordhiyey, taasoo kala ah 100 ay markii hore lahaayeen iyo 70 loogu kordhiyey iyo 30 Raashin ah, waxaana ay isku noqonayaan $200.