Ahlusuna oo Lagala Wareegay Gacan Ku Heynta Degmada Guuraceel ee Gobolka Galgaduud

0
178

Ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan guutada qeybta 21aad ayaa saakay Waaberigii hore hore waxaa ay la wareegeen degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo ay ku sugnaayeen Ciidamo taabacsan Ahlusunna Wal-Jamaaca.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaal kooban oo halkaasi ka dhacay ay isaga baxeen Ciidamadii Ahlusunna, isla markaana dhamaan Xarumihii Maamulka ay la wareegeen Ciidamada Millateriga Soomaaliya.

Sidoo kale Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud waxaa ku sugan Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye, kaasoo xalay kulamo kala duwan ka waday Gudaha Magaalada Guriceel.

Xaalada Magaalada Guriceel ayaa saakay ah mid degan, waxaana dadka deegaanka ay sheegayaan in Ciidamadii Ahlusunna ay ku sugan yihiin banaanka Magalada Hayeeshee ay cabsi dareemayaan.