Ciidamada Dowlada oo Xalay Howlgalo Ka Sameeyey Degmada Afgooyey Kuna Soo Qabqabtey Dhalinyaro aad u Badan

0
81

Ciidamada dowladda ayaa xaley howlgalo ay ka sameeyeen degmada afgooye kusoo qab qabqabtey dad u badnaa dhalinyaro kaddib dilkii shaley magalada loogu geystey guddoomiye ku-xigeenkii Arrimaha Bulshada gobolka Shabeellaha Hoose

Dadka lagu qab qabtay howlgalkan ayeey ciidamadu isugu geeyeen saldhiga Booliiska degmada oo la sheegay in lagu kala saarayay dadka la soo qab qabtay.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Afgooye ayaa sheegay in dadka howlgalka lagu qabtay baaritaanno dheeraad ah lagu sameyn doono islamarkaana leyska sii deyn doono ciddii aan danbi laheyn..

Si kastaba arintu ha ahaatee shacabka degmada afgooye ayaa waxaa ay u dhexeeyaan dagaalka aan dhamaadka laheyn ee u dhexeeya ciidamada dowlada iyo kuwa alshabab oo sababa in mar walba oo degmada dhib ka dhaco loo soo urursado dad aan waxba galabsan