Guddiga doorashadda baarlamanka maamulka Puntland oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Garoowe ayaa shaaciyey xiliga la qabanaayo doorashada Gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Puntland.
Guddiga waxa ay sheegeen in doorashadda ay dhici doono maalinta Khamiista ah ee socota oo taariikhda ay ku beegan tahay 14-ka Bishaan.