Axmadey Abubakar oo Maanta Magalada Muqdisho Ku Geeryooday

0
192

Alle ha u naxariistee waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ku geeriyoodey Fanaan Axmaddeey Abuubakar Mubaarak oo ka mid ahaa hobollada Qaranka Waabari ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Marxuumka ayaa la sheegay in maalmihii la soo dhaafay uu xanuunsanayey, isla markaana xanuunkii uu u geeriyooday Maanta oo Jimce ah.

Axmaddeey waxaa uu ahaa Hobol caan ku ahaa heesaha Banaadiriga waxaa uu ka qeyb qaatay jilitaanka riwaayado badan oo xiliydii hore jeclaayeen dadka Soomaaliyeed.