Faahfaahin dheeri ah oo kasoo baxaysa qarax saaka ka dhacay isgoyska Ex koontrool

0
114

Waxaa saacad walba isa soo taraya warka ku saabsan Khasaraha dhimasho iyo dhaawac ee uu sababay Qaraxii subaxnimadii hore ee saakay lagu bartilmaameedsaday Isgoyska mashquulka badan ee Ex-Koontarool Afgooye magaalada Muqdisho.

Dhimashada ayaa lagu waramayaa in ay gaareyso 100 ruux sida laga soo xigtay saraakiisha caafimaadka iyo Isbitaallada la geeyay meydadka iyo dadka ku dhaawacmay Qaraxa.

Isbitaalka Madiina oo kaliya ayaa la sheegay in la dhigay meydadka ku dhawaad 70 ruux, waxaana sidoo kale jira meydad kale oo iyagana la geeyay goobaha caafimaadka Muqdisho iyo kuwa kale oo ay qaateen Qoysaskii iyo Eheladii ay ka soo jeedeen.

Dowladda Soomaaliya wali ma aysan soo saarin tiro rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay weerarkan ismiidaaminta ahaa oo ilaa iyo hadda aysan jirin cid sheegatay mas’uuliyadiisa.