Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehellada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku naf waayey Qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho.
Warbaahinta dowladda ayaa baahisay in Madaxweynaha ka tacsiyay xilli aysan jirin Madaxweynaha ,Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiiradda Cid booqatay Isbitaallada.
Qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho ayaa ahaa Mid xooggan, waxaana ku dhintay ku dhawaad 1000 ruux sidda ay sheegeen goobaha Caafimaadka iyo saraakiisha Booliska.