Waxaa Maanta xaafada Tarabuunka degmada Hodan ee Gobolkan Banaadir ka dhacay dagaal sababay khasaaro kala duwan ,kaas oo u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya balse u abaabulan qaab beeleed.
Dagaalka ayaa waxaa la sheegay in uu salka ku haayo dhul sharci darro ah oo ku yaalla Xaafada Tarabuunka oo ay isku hayaan, waxaana dagalka ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
Hay’adaha Amniga Soomaaliya weli kama hadlin dagaalka Maanta Xaafada Tarabuubka ku dhex-marey Ciidamo ka wada tirsan dowladda una abaabulan hab beeleed.
Weli ma cada dhibaatada saxa ah ee uu geystey dagalkan balse waxaa jira in dadka qaarkii ay sheegayaan in uu geystey qasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawac