Madaxwenaha dalka Turkiga oo cambaareeyey qaraxii ka dhacay Ex koontarool

0
105

Madaxweynaha dowlada Turkiga Rajab Dayib Erdogan ayaa sheegay in uu dowladdiisu siweyn u cambaareyneyso Qaraxii ka dhacay magalada muqdisho oo ay ku dhinteen in ka badan 100 ruux u badnaa dad rayid ah oo ka dhacay maalin ka hor magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Erdogan oo qoraal soo dhiggay boggiisa Twitter –ka ayaa sheegay in dowladda Turkiga iyada oo arintaa ka jawaabeysa u dirtay magaalada Muqdisho diyaarad sidday howladeenno caafimaad iyo shixnado Daawo ah oo dadka lagula tacaalo.

Qaraxa Sabtidii toddobaadka ka dhacay Isgoyska Ex Koontarool Afgooye ayaa waxaa dadkii ku nafwaayay ka mid ahaa Labo ka mid ah Injineerrada Turkiga oo isla shalay meydkooda loo duuliyay dalka Turkiga.

Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay masuuliyada qaraxan qaraxyada waaweyn ee dalka ka dhaca ayaa inta badan aysan jirin cid sheegata walow la isla dhex maraayo in ay ka dambeeyaan dalal shisheeye.