Shirkada Hormuud oo Ka Hadashay Burburin Loo Geystey Xarun ay Ku Lahaayeen Gobolkla Jubada Hoose

0
80

Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa War ka soo saartay burburin loo geystay xarun ay ku lahaayeen deegaan lagu magacaabo Jaldeyse oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoos.

War ka soo baxay Hormuud ayaa dhignaa siddan :-

Iyada oo ay weli sii socoto burburinta Ciidanka Kenya ay ku hayaan xarumaha Shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliya ee gobollada Jubbooyinka & Gedo ayay ciidamada Kenya waxaa ay mar labaad bur buriyeen xarun ku taalla deegaanka Jaldeyse oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ee maamul goboleedka Jubaland.

Ciidamada Kenya ayaa bur burinta xarumaha u adeegsaday miinooyin waa weyn, iyadoo ay bur bureen Tower-adii dhismihii shirkadda iyo dhammaan agabkii isgaarsiineed oo ay ku shaqeyneysay xarunta oo ka koobnaa qalabkii isgaarsiinta, motooro iyo gawaari.

Waxaa hadda hawada ka maqan isgaarsiintii deegaanka Jaldeys, iyo Tuulooyinka hoos yimaada iyadoo uu hakad galay isticmaalka adeeggayada muhimka u ah isu socodka bulshada sida igaarsiinta, EVC Plus-ka iyo kuwo kale ay dadka noloshoodu ku tiirsaneyd arrintaas oo sababi karta barakac ku yimaada dadka ku nool deeganadaasi.

Dadka deegaanka ayaa saxaafadda u xaqiijiyey in ciidanka Kenya oo wata gawaarida dagaalka ay burburiyeen xarunta shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ay ku leheyd deegaankaas, iyagoona baaq u diray Dowladda Soomaaliya in ay arrintan wax ka qabtaan.

Ciidanka Kenya ayaa sanadihii la soo dhaafay burburin sharci darro ah ku hayey Xarumaha shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud sida: Jaldeys, Cali Buley, Diif, Khadiijo Xaaji, Ceelbaande, Dhuyacgaroon, Geriley iyo Dhamase oo ka kala tirsan Gobollada Jubboyinka iyo Gedo.​

12 xarumood ay leedahay shirkadda Hormuud Telecom ayay horey ciidmaada Kenya u burburiyen, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda Kenya ay arrintaan uga hadlayaan.