Maaxweynaha Maamulka Jubaland oo Maanta Kulan La Qaatey Safiirka Mareykanka ee Somaliya

0
112

Madaxweynaha Maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Khamiis 23-Jannaayo-2020 magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya kula kulmey Safiirka mareykanka u fadhiya Soomaaliya mudane Donald Yukio Yamomoto.

Kulanka ayaa lagaga wada hadley xaalada Siyaasada dalka, arrimaha amniga iyo mashaariicda horumarineed ee ay Wakaalada Horumarinta ee Maraykanka (USAID) ka wado deegaanada Jubbaland.

Xaalada siyaasada ee dalka ayay madaxweynaha iyo safiirku isla qireen muhiimada ay leedahay wada shaqeynta Dowlada federaalka iyo Dowlad goboleedyada si caqabadaha kala duwan ee dalku kujiro si wadajir ah loogu wajaho xalna looga gaaro.

Sidoo kale kulanka ayaa looga wada hadley arrimaha amniga iyo baahida loo qabo in howlgal loo dhan yahey la qaado kaas oo ay ka qeyb qaadanayaan DFS, Maamul goboleedyada, Amisom iyo ciidamada mareykanka ee ku sugan Soomaaliya, howlgalkaas oo noqon kara xalka ugu dhow ee dalka nabadiidka laga sifeyn karo.