Shintirsigeeda sanadlaha sanadkii koobaad dabaadagga furitaanka xafiiska shirkadda xawaaladda lagu najaxay sida aadka ahna loogu diirsaday Huda Express, ayaa lagu qabtay magaalada Zurich oo ah xarunta ganacsiga waddanka Switzerland oo juquraafi ahaan dhaca bartmaha qaaradda Yurub, lana jaar ah dalal farabadan sida-Germany, Austria, Italy, France iyo Lichtenstein.
Goobta munaasibadda shirkaddan Huda Express waxtarka badan u leh bulshadeeda Soomaaliyeed ee ku dhaqan qurbaha, gaar ahaan Switzerland iyo gobollada kulaala ay ka dhacaysay ooy isugu yimideen mushtamaca qaybihiisa kala duwan aqoonyananku u horeeyo rag iyo dumarba, ayaa waxaa martisharaftii ka soo qaybgalay dabaaldagga sanadguurada 1-aad wajiyadooda laga dheehan karayay dareen-farxadeed iyo ladhacsanaan ay ugu riyaaqayeen shirkaddan cajiibka ah Huda Express inay salka soo dhigato siina joogto dalka Swisska, bacdama baahiyo farabadani oo waawayn ee xawalaadeed ummadda Soomaalidu u qabtay ku dhaqani qurbaha galbeedka geyiga Konfederaalka Iswiisarlaan.
Shacabwaynaha Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibiddiisa ayaa intooda badan waxay masaariif isdabajoog ah u diraan ehelladooda jooga dalkii hooyo iyo qurba-nacasta, “haddaanay boqolkiiba boqol ahaynba inta wax diraysa,, taasoo ka dhigan, in xawaaladuhu lafdhabarta nolosha iyo nolol-maalmeedka iyo waliba dhaqdhaqaaqa dadka Soomaaliyeed ay yihiin, Hudda Express-na muddo badan kadib, xawaalado Soomaaliyeedo sharciyaysan waa’ ba’ani jirtay dabadeed, ay timid, dalka Iswiiska, iyado sharciyaddeeda xawaaladeed ay gacmaha ku sidato, waxaana intaasi sii dheer, in xaawaladda Huda Express, kolka laga yimaado aaminka iyo adeeg-hufnaanteeda wanaagsan, ay xawaaladaha kale kaga dheerayso diritaanka lacagaha ilbiriqsiyo inay ku gaarsiinayso sida la soo hubiyay qarashaadka la dirayo ciddii farta laga saarilahaa, oo xiliga lacagta loo dhiibo, intaanay kaasadeedu gashanba, iyana, ruuxii loo dirayay lacagta, gacanta ka gelinayso durbadiiba ammaannada sifada ah “i tus, oo, i taabsii,,.
Si kastooy ahaataba, warbaahinta ku bohowday Koonfurta Soomaaliya afka qalaadna loo yaqaan Southern Media Co-Operation (SMC) oo si toos ah kulankan taariikhiga ahaa loogu casuumay sanadguuradii 1-aad ee ka soo wareegatay furitaanka xafiiska shirkadda xawaaladaha casriga ah ee Huda Express magaalada Zurich, ayaa si firinfircooni ku jirto waxtarkeeda aan la helin karin uga hadlay masuuliyinta Soomaaliyeed ugu caansan uguna taransiga badan waddan Switzerland.
Xafladdan sida xad-dhaafka ah loo soo buuxdhaafiyay maalintii shalay ahayd shirkadda xawaaladda caanka ah Huda Express oo hanaanka habsami u socodkeeda uu xiriirinayay maamulaha Huda Express ee dalka Beljimka Mudane Maxamed Cige, ayaa furitaankeeda munaasibaddu ku soo dhoweeyay Shiikh Cali Garre oo aayaadka Quraanka Kariimka qawlkii Eebbe quluubta martida iyo martisoorayaashuba ugu raaxeeyay, waxaana kadib xiriiriyuhu Mudane Maxamed Cige masraxa mikirifoonku si sharaf badan leh uu ugu soodhowoow guddoonka shirkadda Huda Express waddanka Switzerland Mudane Yoonis Timawayne oo sida runta ah ku sifaysan nin aad u karti iyo dadnimo badan, kaasoo si nuxur leh uga taariikheeyay hawlihii laga soo maray furitaanka shirkaddan bulshada sida joogtada ah u baahi tirta, hadday noqon lahayd dhanka xawilaadda lacagaha, samafalka iyo horumarada guud mushtamaca Soomaaliyeed ay doonayaan inay ka sameeyaan qurbaha iyo dhulkii hooyo iyo waliba Shirkaddan Huda Express oo u taagan badbaadinta ubadka Soomaaliyeed qurbaha ayna ugu horaysa difaaca dhaqanka iyo afka diintu u horayso, waxaana la arkayay Mr Yoonis goortuu sida damiirta iyo damqashada leh qalbi-nadiifnimadu ku jirto bulshada horteeda ugahadlayay, dhamaan dadkii oo sacab iyo sawaxan oodda ka wada qaadayay, taaso ku tusaysa Huda Express inay tahay, iftiin cusubo u soo baxay dadyowga Soomaalida, maadaama ay shirkaddani yagleeloonooy hoggaaminayaana rag dhallinyaro u badan u daacada shaqadooda sida Mudane Yoonis Timawayne oo sida xaqiiqda ah mudan in lagu daysado, si horumar iyo barwaaqo loogu talaabsado, loona dad noqdo dalkan geeska Afrika ku yaal 30 sanadood dulligu saaqay, una baahan rag ka soo saara bohoshan uu ku dhacay sida Mudane Timawayne oo kale ah.
Sido kale, waxaa xafladdan qiimiga iyo qaayaha leh qarada wayn sanadguuradii 1-aad ee ka soo wareegtay furitaanka shirkadda xawaalladda Huda Express ka hadlay masuul miisaan leh Mudane Cabdullaahi Dheere oo isaguna ka mid ah masuuliyinta Huda Express Switzerland oo aad u kala dhigdhigay shaqada ay sida hufan bulshadeeda ugu qabato shirkaddan magaceedu aynu kor ku soo xusnay Huda, iyado Shiikh Sacad oo ah shiikha Magaalada Zurich oo maykaroofanka lagu sharfay uu halkaasi ka jeediyay muxaadiro quluubta taabatay la xiriidha baayacmushtarka, waxaana shiikhu uu ku amaanay dadka Soomaalida ah sida ay ugu fiican yihiin ganacsiga iyo gargaaricidda albaabo badan dadka soogalootiga kale ay kaga dheereeyaan intooda badan, isagoona ku dardaarmay in xalaasha lagu dadaalo, xaaraanta laga fogaado, oo xalaal mirad la noqdo, bacdama gurigeenu dhabta ah uu aakhiro yahay godkiina aynu u wada socono, uun dunidan marti ku nahay.
Bartamaha barnaamijka intii uu socday, waxaa goobta looga yeeray oo ka hadlay samafale Cashar Xasan oo aad looga yaqaan dalka Switzerland, isagoo ku caanbaxay u samafalka dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan gudaha dalkeeni Soomaaliya, isagoona ahaan jiray agaasimihii hore Somali Airlines garoonka diyaaradaha caasimadda Soomaaliya Muqdisho, waxaana madashan sii ruxay Mudane Xiddig oo ku hadlayay afka dhallinyarada iyo isboortiga, kaaso ka dhawaajiyay ereyo gilgilay qalbiyada dadkii munaasibadda isugu yimid, Mr Xiddig waxaa uu cod dheer ku sheegay “Soomaalidu inay gabi ahaanba ka guurto dhaqanka qolo qolada,” kaasoo sida aan la dafari karin la dagay qabkii iyo gobanimadii mushtamaca asalka maalin u nasab sheegta Soomaaliya, kuwaaso qabiilka la fara xumeeyay laga dhigay (QAB-IIL) sarifkiisu noqday (QAB-YAALAD) daaddumay ummaddii dabaadigiina u diiddan wali in dabada la qabto dalkoodu ku noqdaan nabadna ugu daggeeyaan.
Mr Jonaton oo u ah muwaaddin u dhashay dalka Switzerland ganacsina ka sameeyay qaaradda Africa aadna ula saaxiib ah dadka Soomaalida, ayaa masraxa lagu casuumay, waxaana uu hadalkiisu ku bilaabay salaanta Islaamka, taasoo ah (ASALAAMU CALAYKUM) isagoona ereyo Afka Soomaaliga ah khudbaddiisu horudhac uu uga dhacay, taa oo dareen gooni ah ay ku beertay idil ahaan dadkii goobta xaadirka ku ahaa, waxaana Herrn Jonaton oo wiil dhallinyaro ah madaxda shirkadda xawaaladaha Hudda Express ee uu ugu horeeyo Mudane Yoonis Timawayne ku amaanay dadaalka iyo dhabar-adeegga ee uu soo galay xaqiijinta riyadiisi, isagoona sheegay, waa Jonatone’ “Yoonis inuu garanayay kolkii uu ku cusbaa dalka Switzerland, yahayna qof karti leh aadna u dadaal badan furfurnaatuna u dheertahay”.
Kulankan wax ku oolka ahaa oo ay ka wacnaayeen odayaasha magaalada sida-guddoonkii hore guddiga doorashooyinka Soomaaliya sanadihii 1960-meeyadii Mudane Xaaji Maxamed Awoow Mayow. 2.Mudane Cabdalla Saciid. 3.Mudane Cawil. 4.Shiikh Yaxe. 5.Mudane Cabdirisaaq Ugaas iyo Marwo Maandeeq Nuur Garaash oo fanaanad ah, kuna hadlaysay magaca hooyooyinka Soomaaliyeed, waxaa goobtii shahaadooyin sharafeedyo maamulayaasha Hudda Express Zurich Switzerland ay guddoonsiiyeen, dadkii ugu hawsha fiicnaa sanadkii ay jirtay shirkaddan ee ka hawlgalayay, waxaana xusid mudan in shahaadooyinka kolkii ay Huda Express bixinaysay, 2 ka mid ah dadkii shadooyinka la siinayay, labadraale lagu ergday min hal hal bil oo fasaxa mushaarkooduna uu u soconaayo, looguna laray min Fr.500 (shan boqolo) lacagta faranka laga isticmaalo Swisska oo qayaastii u dhiganta (550) Doollarka Mareykanka, iyado xafladdan cajiibka ay ku soo idlaatay jawi aad u heer sareeya gaws u raaxayntuna ay xisaab li’i tahay qof iyo itaalkiisu intay calooshiisu qaaddo.
Se qof walibana takhasusukiisii waa in lagu toosiyaa, Huda Express-na xawilaadda loo daayaa sida hubantida ah amar Alle laakiin!!
By.Adam Increase