Maamulka Jubaland oo Xukuumada Ka Dalbatey Inay Cadeeyaan Halka uu Ku Dambeeyey Cabdirashid Janan

0
75

Maamul goboleedka Jubaland ayaa sheegay inay ka murugaysan yihiin xaalad badqab ee wasiirkoodii amniga Cabdirashiid Janan, kadib markii maanta taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya ay sheegtay inuu ka baxsaday xabsigii uu ku xirnaa.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Jubbaland ayaa dowladda federalka looga dalbaday inay meel ku sheegto wasiir Janan oo muddo bilood ah u xirnaa, haddii kale ay qaadayso masuuliyada wixii gaara wasiirka amniga Jubbaland.