Sheekh Mxamed Shaakir oo Ay Ahlusuna u Magacowdey Madaxweyne

0
62

Doorasho ka dhacday degmada Dhuusa-Mareeb ayaa madaxweynaha Galmudug garabka Ahlu Sunna loogu doortay Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan oo horay u ahaa hoggaamiyaha Ahlu Sunna Waljameeca.

Doorashada Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan ayaa imaneysa xili khilaaf weyn uu maalmihii ugu danbeeyayba ka taagnaa hannaanka ay Dowladdu u maamuleyso doorashada madaxweynaha Galmudug.

Doorashada ayaa u dhacday hab gacan taag ah waxaana codeeyay xildhibaanno dhawaan looga dhawaaqay Galmudug oo ka tirsan garabka Ahlu Sunna Waljameeca.

Lama oga tallaabada ay qaadi doonto Dowladda Federaalka Soomaaliya oo bilihii ugu danbeeyayba ku howlaneyd dhismaha Galmudug loo dhan yahay.