Wasiirka Ganacsiga oo Ka Hadley Sharciga Jaangoynta iyo Tayo Dhowrka

0
62

Wasiirka Wasaaradda ganacsiga iyo Warshadaha dowlada federaalka somaliya Inj, Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa faah-faahin ka bixiyay sharciga Jaan-goynta iyo tayo-dhowrka Soomaaliya, isagoo caddeeyey ahmiyadda uu sharcigani u leeyahay Dalka.

Enj; Cabdullaahi Cali Xasan oo ka hadlayay fadhigii uu shalay yeeshay Golaha Aqalka sare ee Soomaaliya, ayaa carabka ku dhuftay in hay’adda tayo-dhowrka ee sharcigani dhisaya ay mas’uul ka noqon doonto ilaalinta tayada waxyaabaha Dalka soo galaaya

Wasiirka ayaa xusay in uu sharcigani fududeyn doono dhoofinta ganacsiga oo uu sheegay in ganacsatada Soomaaliyeed ay wakhtiyaddii hore dhib ku qabeen jiritaan la’aanta hay’addan tayo-dhowrista.

Wasiirka, ayaa Xildhibbaanada Aqalka sare ka codsaday in ay ansaxiyaan sharcigan maadaama uu ahmiyad weyn u lee yahay Qaranka, iyada oo ansaxinta ka dibna loo gudbin doono Madaxweynaha Qaranka Md; Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo saxeexi doona.