Wasiirkii Amniga Maamulka Jubaland oo Maanta Gaaray Magalada Kismaanyo

0
82

Wararka laga helayo magaalada kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in duhurnimadii maanta uu halkaasi gaarey wasiirkii Amniga Jubbaland C/rashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan).

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Cabdi Rashiid Janan iyo Xubno kale oo la sodey ay doon sidey geysay Dekadda kismaayo, sida uu sheegay in Xildhibaan Xasan Cabdi oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ay deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland.

Lama oga halka ay doonta sidey Cabdi Rashiid Janan ay ka qaadey, hayeeshee Mas’uuliyiin ka tirsan jubbaland ay sheegeen in uu ku sugan yahay Madaxtooyada Jubbaland, isla markaana Warbaahinta la hadli doono.

31-kii Bishii Agoosto ee Sanadkii 2019 ayaa Dowladda Soomaaliya ay xirtey Cabdi Rashiid Janan xilli uu ka dhoofayey Garoonka diyaaradaha Mudisho, hayeeshee 28-kii Bishaan ay Booliska Soomaliyeed ay sheegeen in uu ka baxsadey halkii uu ku xirnaa.