Madaxweynaha Maamulka Galmudug Garabka Ahlusuna oo U Digey Dowlada Federaalka

0
65

Madaxweynaha maamulka Galmudug ee garabka Ahlu Sunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa digniin ka soo saaray doorashada maanta lagu wado inay ka dhacdo Magaalada Dhuusamareeb.

Sheekh Maxamed Shaakir ayaa saqdii dhexe ee xalay qoraal uu soo saaray, kuna qornaa afka qalaad waxa uu gaarsiiyay Beesha Caalamka, isagoo markaasi ka digaya cawaaqibka ka dhalan kara, haddii Dowladda Federaalka iska indho tirto doorashadii maalmo ka hor isaga lagu soo doortay, isla-markaana ay qabato doorashada maanta la fillayo inay ka dhacdo Magaalada Dhuusamareeb.

Qoraalkan ayuu ku sheegay inay Dowladda Federaalka qaadi doonto masuuliyadda wixii dhimasho iyo burbur ee ka dhasha fowdada uu dowladda ku eedeeyay inay ka abuureyso Galmudug.