Madaxweynihii Hore ee Somaliya oo Sheegay In Magalada Muqdisho Ay Ka Taliso Alshabab

0
71

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in Kooxda Al-Shabaab ay awood buuxda ku leeyihiin gudaha Magaalada Muqdisho isla markaasna ay iyaga maamulaan.

Sheekh Shariif ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya aysan ka talin inta badan Magaalada Muqdisho isagoo taas sabab uga dhigay inay AL-Shabaab canshuur ka qaadaan dhammaan ganacstada Muqdisho iyo qaar ka tirsan Hey’adaha Dowladda.

Sheekh Shariif ayaa Dowladda Soomaaliya ku eedeeyey inay lacagtii dalka ku bixiso sidii loo aflagaadeyn lahaa madaxdii dalka horey usoo martay iyo siyaasi kasta oo ka fikir duwan sida uu hadalka u dhigay.

Sheeekh Shariif oo dhanka kale ka hadlay doorashada la filayo inay dalka ka dhacdo ayaa sheegay inaysan doorasho dhici karin iyadoo aysan jirin isfaham siyaasadeed iyo mid xasilooni.

Hadalka Sheekh Shariif ayaa kusoo aadayo xilli Maamul Goboleedyada iyo Siyaasiyiinta mucaaraadka ay ka hor imaadeen qaabka doorasho oo ay dooneyso Dowladda Soomaaliya.