Madasha Xisbiyada Qaran oo Qoraal kasoo Saaray Doorashadii Galmudug

0
94

War qoraal ah oo ka soo baxay madasha xisbiyada qaran ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee Galmudug iyo doorashadii shalay ka dhacday gudaha magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Warsaxaafadeedka oo ku qornaa luqadda Engilish-ka ayaa lagu sheegay in doorashadii uu ku soo baxay Qoor-Qoor aysan aheyn mid xor iyo xalaal ah, islamarkaana aysan u dhicin sidii la rabay ama loo qorsheeyey in Galmudug loogu dhiso maamul mid ah.

Sidoo kale qoraalkaan ayaa lagu dhaliilay taalabadadii safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Donald Yamamoto ee uu ku aqoonsaday doorashadaasi, iyado aan weli xal loo helin is jiid jiidka siyaasadeed iyo khilaafaadka dhinaca maamulka ee haatan ka jira Galmudug.