Xildhibaanada Dowlada Federaalka ee Kasoo Jeeda Puntland oo Ku Hanjabay Iney La Xisaabtami Doonaan Wasiirka Waxbarashada

0
134

Xildhibaano ka tirsan barlamaanka Soomaaliya oo kasoo jeeda Puntland, ayaa maanta shir jaraa’id oo ay ku qabteen Muqdisho waxay kasoo horjeesteen hadalkii kasoo yeeray wasiir Goodax ee ahaa in aysan dowladdu Shahaado siindoonin ardayda Puntland.

Xidhibaanadaan ayaa ku eedeeyay wasiir Goodax inuu si ku takrifal ah u addeegsanayo awoodda dowladda federalka islamarkaana uu ku tumanayo xuquuqda ay leeyihiin qeyb kamid ah ummadda Soomaaliyeed.

Xildhibaanadu waxay sidoo kale wasiirka waxbarashada Soomaaliya ku eedeeyeen inuu isagu burburiyay wada hadaladii lagu doonayay in lagu dhameeyo khilaafka waxbarashada labada dhinac.

Xildhibaanada waxay hadalkooda ku dareen in ay tagi doonaan Puntland oo ay la kulmidoonaan wasaaradda waxbarashada Puntland, si eedaha Puntland lafteeda looosoo jeedinayo usoo arkaan.