
Madaxweynihii hore ee dalka Kenya, Daniel Arab Moi ayaa xalay ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi ee dalkaasi.
Moi oo 94 sano jir ahaa ayaa bilihii la soo dhaafay xanuunsanaa, waxaana xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayay gudaha iyo dibadda Kenya intaba.
Geeridiisa ayaa waxaa saaka aroortii hore warbaahinta u xaqijiiyey madaxweynaha hadda talada haya ee Uhuru Kenyatta.
Madaxweynihii hore ee Kenya, Daniel Arab Moi ayaa muddo dheer soo xukumayey wadaankaasi, waxaana xil ka loo dhaariyey 1978-dii, isagoona ka tegay 2002-dii.
Sidoo kale Moi oo ahaa madaxweynihii labaad ee dalka Kenya ayaa dhashay bishii September ee sanadkii 1924-tii, wuxuuna ka soo jeedaa Qowmiyadda Kalenjinta.