
Militariga Ugandha ayaa sheegay in ay bilaabi doonaan wajiga labaad ee ka bixitaanka ciidamadooda nabad ilaalinta ee la geeyay Soomaaliya dhamaadka bishan.
Brig. Richard Karemire, afayeenka milatariga Uganda ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Xinhua ayaa u sheegay in qaybta labaad bixitaanka ciiddamadooda ay ka badan tahay 6,000 oo askari oo ka hoos shaqeeya Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayna dhici doonto 28ka Febraayo.
Taliyayaasha ciidamada AMISOM ayaa dabayaaqadii bishii hore go’aansaday inay ka jaraan 1000 askari oo kale oo dheeraad ah oo ka socda ciidamada nabad ilaalinta ee gobolka Geeska Afrika in kasta oo ay kordheen weerarada ka imanaya Shabab.
Uganda ayaa sanadkii 2017 kala baxday 281 nabad-ilaaliyeyaal iyada oo qayb ka ah yaraynta in ka badan 6,000 oo ciidan ah oo ka jooga Soomaaliya.