Dowlada Somaliya oo Kenya Ku Eedeysay Inay Dalka Ka Wado Faragelin Siyaasadeed

0
72

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka xuntahay faragelinta siyaasadeed iyo mida amni oo ay ka wado dowladda Kenya gudaha Soomaallya, taasoo aan u wanaagsanayn xiriirka labada dal iyo shacab ee Walaalaha iyo deriska ah. iyo xal u helida mushkiladaha gobolka ee ay kamid tahay la dagaalanka Argagixisada.

Warsaxafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada Kenya ee Soomaaliya ku jooga magaca Amisom iyo midowga Afrika ay sameeyeen faragalin siyaasadeed iyo qalqal galin amniga oo gudaha ah.