
Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyada inay dib usoo nooleeyaan wada-shaqeyntooda, si ayaga oo kaashaanata saaxiibada gobolka iyo kuwaa caalamka ay uga adkaadaan Al-Shabaab, islamarkaana dib ugu soo neelaayaan dowladnimada, ammaanka iyo baraaraha shacabka Soomaaliyeed.
Qoraal kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu wadayo daadaallada ay kula hadlayaan dowladda federaalka iyo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada.
Dowladda Mareykanka waxay sheegtay inay ka go’an tahay in dhammaan dadka Soomaaliyeed ay ka taageero dadaallada ay ku dhisanayaan hay’adaha dowliga ah ee ka shaqeeynaya baahidooda.
