Maamulka Puntland oo Albabada u Xirey Xafiiska Gudiga Doorashooyinka Qaranka

0
90

Maamul goboleedka Puntland ayaa amar kusoo saaray in albaabada loo laabo xafiiska guddiga doorashooyinka qaran Soomaaliya uu ku lahaa magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Warqad kasoo baxday wasaaradda arrimaha gudaha Puntland, ayaa lagu faray guddoomiyaha gobolka Nugaal in laga bilaabo maanta albaabada uu ulaabo xafiiska guddiga doorashada.

Waxaa kaloo guddoomiyayaasha gobolada iyo degmooyinka Puntland lagu amray in guddiga doorashada Soomaaliya uusan wax shaqo ah ka qaban Karin degaanada Puntland.