
Gaadiidkan oo ah nooca kuwa Xamuulka qaado ah ayaa waxaa ay muddo Afar Cisho ah ku xayiran yihiin Isgoyska Ex-Koontrool Afgooye ee Muqdisho.
Qaar kamid ah wadayaasha Gaadiidkaas ayaa waxaa ay sheegeen in markii hore loo ogolaa inay xilliyada habeenkii ay ka gudbaan Isgoyska Ex-Koontorool Afgooye ee Muqdisho,hayeeshee gebi ahaanba laga joojiyey.
Waxaa ay sheegeen in ay bixiyeen Canshuurtii laga doonayey,balse tan iyo markii uu dhacay qarixii Ex-Koontorool Afgooye 28-kii Bishii December ee sanadki tegay ee 2019 uu soo wajahay culeys la xiriira maritaanka wadadaas.
Gawaaridan xamulka wada ayaa ah kuwo inta badan oo adeegsado qaraxyada laga soo maleego deegaanada ku xeeran magalada muqdisho taasi ayaana keeneysa in ay adkaato maritaanka wadadaas walow ay bixiyaan canshuurihii looga baahnaa iney bixiyaan.