
Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga hadashay ciidamada dhowaan ay ku daabushay gobolka Gedo, kuwaas oo qabsaday degmooyin ka mid ah gobolka.
Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in ciidamada tegay gooblka Gedo ay yihiin kuwa militari, islamarkaana tegistooda ay qeyb ka tahay difaaca dalka.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada militariga Soomaaliya ay sidoo kale tagi doonaan gobollo kale, oo dalka ka mid ah, islamarkaana aysan jirin sabab arrintaas sharaxaad looga bixiyo.
Hadalkiisa ayaa imanaya, ayada qoraal shalay kasoo baxay golaha wasiirada Jubaland lagu sheegay in dowladda dhexe ay “faro-gelin qaawan” ku hayso dowlad goboleedka Jubaland ayna “weerar qaawan kusoo qaaday” gobolka Gedo.