Dhegeyso: Gudoomiyaha Gobolka Mudug oo Hanjabaad u Direy Dowlada Federaalka

0
132

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee maamul Goboleedka Puntland Axmed Muuse Nuur ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay qorsheyneyso inay Ciidamo farabadan geyso deegaano ka tirsan Gobolka Mudug maamul ahaana hoostaga Maamulkaas.

Guddoomiyaha oo u waramay warbaahinta ayaa sheegay inay ka warheleen qorshaha ay wado dowladda Federaalka,isla markaana Bisha Saddexaad ee sanadkaan ay Ciidamo u daabuleyso Magaalada Gaalkacyo si ay ugu qabsato degmooyinka Gobolka Mudug.