Sarkaaal sare oo ka tirsan Alshabaab oo malaayiin doollar la dul dhigay

0
85

Dayuurad aan la aqoon dalka laga leeyahay ayaa magaalada Diinsoor ee gobolka Baay saaka ku daadisay warqado ay ku qoran yihiin magaca Jehad Serwan Mostafa oo ka tirsan Al-Shabaan oo uu Mareykanku aad u doon doonayo.

Mareykanka ayaa Jehad Serwan ku doonaya ilaa shan milyan oo dollarka mareykanka ah iyo deggenaasho in la siiyo qofka keena xog sababi karto xariggiisa.

Jehad Serwan Mostafa ayaa la sheegay in Al-Shabaab ay ugu yeeraan Axmed Gurey wuxuuna kamid yahay saraakiisha ugu sarreeya Alshabaab, marka ay timaado dadka u dhashay Mareykanka ee ku biiray kooxaha xagjirka ah ee ka dagaalama dibadda.

Jehad Serwan ayaa ka tagay magaalada San Diego ee gobolka California ee dalka Mareykanka, si uu ugu biiro Al-Shabaab.

Dowladda federaalka wali ma aysan ka hadlin arrinkan.