Ciidamada Mareykanka oo Weeraro Ka Fuliyey Degmada Jilib ee Gobolka Jubada Dhexe

0
134

War ka soo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Africom ayaa looga hadlay duqeyn ay ka fuliyeen degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe oo ay maamulaaan xoogagga Ururka Al-shabaab.

Warka ka soo baxay taliks ayaa lagu sheegay in duqeynta ay iska kaashadeen ciidamada Maraykanka iyo ciidamada dowlada Soomaaliya haatana la qiimaynayo in waxyeelo ka soo gaartay duqeyntan dad rayid ah.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca dowladda Soomaaliya ama maamulka Jubbaland oo la xiriira duqeyntan ugu danbeysay oo ay ciidamada Mareykanku ka fuliyeen Jubbada Dhexe.

Ma aha duqeyntii ugu horey oo ay africom ka fuliso deegaanada jubada dhexe, dhowr jeer oo hore sidan oo kaley ayey weeraro lagula bartimaameysanayo alshabab uga fulisay