Shirkadda Diyaaradaha Jambojet oo Sheegtey In ay Joojisay DuulimaadyadiiAy Ku Iman Jirtey Magalada Muqdisho

0
54

Shirkadda Diyaaradaha Jambojet oo laga leeyahay dalka Kenya ayaa ku dhawaaqday in ay joojisay dhamaan duulimaadyadii ay ku iman jirtey magalada muqdisho.

Madaxda shirka Jambojet ayaa sabab uga dhigay arintaas in ay la xiriirto diidmo ka timid dowladda Soomaaliya ee ku aadan in duulimad subaxdii ah ku yimaadaan Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan-Cadde.

Allan Kilavuka oo ah Madaxa Guud ee Fulinta ee Shirkadda Jambojet, oo la hadlay Warbaahinta ayaa shaaciyey in Diyaaradahooda uu qorshohoodu yahay in ay 6-da aroornimo kasoo duulaan Garoonka Jomo Kenyatta ee Magalada Nairobi si Subaxnimo ay u yimaadaan Muqdisho, kadibna ay dib ugu laabtaan Nairobi 9:30 aroornimo.

Allan Kilavuka ayaa sheegay in go’aankaas uu dhaqan geli waayey, isla markaana Madaxda Soomaalida ku guul-daraysteen inay Balanqaad Shirkadda siiyaan, kaasoo ku aadan Duullimaadyada Aroornimo.