Dhegeyso: Ahlusuna oo Sheegtey Inaan Loo Dulqaadan Karin Bandowga Lagu soo Rogey Dhuusamareeb

0
76

Maamulka Ahlusunna waljameeca ayaa ku dhawaaqay inaysan u dulqaadan doonin bandowga Dowladda Soomaliya ay ku soo rogtay Magaaladda Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.

Xildhibaan Cibaado oo ka tirsan Xildhibaanadda Ahlusunna ayaa sheegtay in caburinta dowladda aan loo dulqaadan Karin.

Waxa ay sheegtay in Magaaladda Dhuusa-mareeb ay amni aheyd, ka hor inta la geenin ciidamadda laga qaaday Magaaladda Muqdisho ee Haram-cad loo yaqaano,kuwaasi oo Magaalada galiyay xaaladd Bandow ah.