Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir oo Codsadey In Caruurta Loo Dhiso Xabsi u Gaar ah

0
515

Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir Muuse Macalin Maxamed oo khudbad ka jeedinayay munaasabad lagu maamuusayay maalinta aasaaska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa sheegay in xabsiyada dalka qaarkood lagu arko carruur da’yar oo la xiran dad ka da’weyn.

Wuxuu sheegay in carruurtaan danbiyada loo xiro marmarka qaar isla xabsiga dhaxdiisa uu kala kulmo dhib uga imanaya dadka lala xiray, waana arin u baahan ayuu yiri in laga garaabo.

”Waxaan codsaneynaa Wasaarradda Cadaallada, Taliska Asluubta, Guddiga Cadaallada ugu xil saaran Baarlamaanka Soomaaliya, waa in leyska uruuriyaa dhaqaale Carruurta loogu dhiso ugu yaraan Labo Qol oo u gaar ah si halkaa loogu xabiso lagana dhax saaro dadka waaweyn;” ayuu yiri guddoomiyaha.

Waa markii ugu horreysay oo arintan laga hadlo iyado xitaa marka la eego Xabsiga dhexe ee dalka la arki karo in ay ku xiran yihiin Carruur q