Muxuu Salka Ku Hayey Kulankii Xildhibaan Cali Afgooye Iyo Shariif Xasan Ay Ku Yeesheen Magalada Jiddah

0
168

Xog ay daafeet Media ka heshay magalada jeddah ee dalka sacuudi arabia ayaa waxaa aya sheegeysaa in Shariif Xasan Sheekh Adan oo horey u ahaan jirey hogaamiyaha maamulka koonfur galbeed uu magalada jiddah kulan kula qaatey xildhibaan Cali Afgooye oo deegaan doorashadiisu tahay degmada afgooye.

Xogtan ayaa waxaa ay sheegeysaa in kulankaasi diirada lagu saarayey sidii mar labaad shariif xasan loooga gadi lahaa shacabka koonfur galbeed gaar ahaan kuwa beelaha dega gobolka shabelaha hoose maandaama uu horey u diloodey.

Shariif Xasan ayaa waxaa uu dadaal dheer ugu jiraa sidii uu u soo xareyn lahaa dhamaan shaqsiyaadka uu markii hore gacan saarka la lahaa qaarkoodna uu horey asaga siyaasada ugu soo darey ee ka tirsan baarlamaanka dowlada federaalka si ay xulufo u noqdaan.

Shariif Xasan ayaa waxaa uu doonayaa in Xildhibaan Cali Afgooye oo ka dhacsan siyaasada dalka in uu u isticmaalo soo xero gelinta xildhibaanada beelaha Digil ee ka tirsan baarlamaanka federaalka iyo weliba kan maamul goboleedka koonfur galbeed. 

Xildhibaan Cali Afgooye ayaa inta uusan helin xilkan waxaa uu ahaa shaqsi si weyn ugu ololeeya Shariif Xasan marar badana siweyn ugu soo dhaweeyey magalada London ee dalka ingiriiska isagoo markaasi danta uu shariifka ka lahaa ay aheyd in uu helo kursiga uu hada ku fadhiyo.

Isku soo wada duub hamiga Shariif Xasan iyo Haamanaanta Xildhibaan Cali Afgooye ayaad waxaad moodaa in uu culeys badan ku helyn doono maamulka Cabdicasiis maadaama inta badan xildhibaanada maamulka koonfur galbeed iyo weliba kuwa federaalka ay yihiin kuwo Shariif Xasan gacan saar la alahaa