
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in gobolka Banaadir ay ku nool yihiin dadka Soomaaliyeed kuwa ugu badan ay muhiim tahay in Maamul u gaar ah in uu yeesho.
Waxaa uu sheegay in dalka uu yahay mid federaal ah, sidaas daraadeedna dadka ku nool Magaalada Muqdisho loo baahan yahay inay helaan Maamul u gaar ah Gobolka Banaadirna laga dhigo Maamul Goboleed.