Maxkamada Ciidamada Qalabka-sida oo Xukuno Kala Duwan Ku Riday 3 Wiil oo Dhalinyaro ah

0
125

Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Talaado ah waxaa ay xukuno kala duwan ku riday Rag lagu eedeeyey inay dhac ka geysan jireen Magaalada Muqdisho.

Maxamed Cabduqaadir Maxamed Cumar, Cabdikaafi Cabdi Jaamac Warsame iyo Cabbdirisaaq Maxamed Abshir Kheyre ayaa loo heystaa in ay yihiin koox ka qaatayaal ah oo loola jeedo koox dhac ku geysata Bistoolado iyaga oo isticmaalaya Bajaaj, waxa ayna dilaan qofkii isku dhajiya agabka ay xilligaas ka dhacayaan side Teleefoonada iyo Kombiitarrada.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa codsaday in la muddeeyo 18-kii January ee sanadkan dhageysiga dacwad ka dhan ah Maxamed Cabdullaahi Maxamed Cumar, Cabdikaafi Cabdi Jaamac Warsame iyo Cabbdirisaaq Maxamed Abshir Kheyre, waxa ayna Maxkamadda ogolaatay dalabka xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sedaxda bishan aynu ku jirno.

Xafiiska ayaa Maxkamadda weydiistay in lagu xukumo ciqaab u dhiganta qodobbada ay ku soo eedeeyeen Sedaxda eedeysane oo dhaqan ahaa shabahaa kuwa wax dhagra ee ka tirsan Argagixisada.

Qareennada u dooday eedeysanayaasha ayaa Maxkamadda weydiistay in la siiyo xurriyadiisa eedeysanaha koowaad oo ay xafiiska xeer ilaalinta ku waayeen wax dambi ah marka laga reebo in uu caawiyay yar saaxiibkiis ah halka labada kale uu codsaday in loo fiiriyo qodobbada dambiga fududeeyo.

Ugu Dambeyntii maxkamada ayaa waxaa ay xukuntey in lasii daayo Maxamed Cabdulkhadir Maxamed hadii uusan jirin dambi kale halka Cabdikaafi Cabdi Jaamac Warsame lagu xukumay 8-sano oo xabsi ciidan ah, sidoo kale Maxkamadda ayaa ku xukuntay Cabbdirisaaq Maxamed Abshir Kheyre 5-sano oo xabsi ciidan ah.