Beesha caalamka ayaa ku baaqday in dib loogu laabto Sharciga doorashooyinka Soomaaliya ee dhowaan la meel-mariyey, kadib markii ay sheegeen in sharcigaas uu ku guul-darreystay in si cadaalad ah oo loo dhan yahay looga wada qeyb qaato.
Beesha caalamka waxay tilmaameen in sharcigaasi uu ku guuldareystay in uu qeexo mataalada haweenka, xuduudaha iyo arinta Somaliland.
Bayaanka ayaa ku soo aadaya maalin kadib markii ergeyga Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya James Swan uu walaac la mid ah midkan u gudbiyay Golaha Amniga, isagoo ka digay haddii aan wax laga qaban arrimahan, in ay caqabad ku noqon karto xaqiijinta doorashada hal qof, hal cod.
Bayaankooda bulshada caalamku waxay ugu yeertay dowladda, guddiga doorashooyinka iyo qeybaha kale ee ay khusayso in ay ka tashadaan oo ay si deg deg ah u xalliyaan arrimaha muranka badan leh ee sharcigaan quseeya