Sida uu ka dhawaajiyey gudoomiyaha gudiga doorashada maamulka koonfur galbeed Maxamed Keeroow Maxamed in xildhibaanada baarlamaanka labaad ee koonfur galbeed ay haatanba dooran yihiin isla mar ahaantaasna uu soo bandhigi doono xiliyo cayiman oo uu ku sheegay xafladii ay kusoo bandhigeen waxa loogu yeeray habraaca doorashada baarlamaanka labaad ee koonfur galbeed.
Shirkaas jaraaid oo shaley ka dhacay magalada baydhabo isla markaasna uu saxaafada u aqriyey qoraal gudoomiyaha gudiga doorashada koonfur galbeed ayaa waxaa uu ku sheegay in guud ahaan haatan aanba loo baahneyn xildhibaano lasoo xulo iyo odayaal soo xula, Tani ayaa waxaa ay muujineysaa awood maroorsi maamulka Cabdicasii Lafta gareen ee ku aadan soo xulista baarlamaanka labaad ee maamulka koonfur galbeed.
Talaabada gudoomiyaha gudiga doorashada koonfur galbeed uu ku maroorsaday awooda beeluhu ay u lahaayeen in ay soo xushaan xildhibaankooda ayaa waxaa ay noqon doontaa caqabad kale oo umada reer koonfur galbeed ku dibindaabyeynaayo maamulka Cabdicasiis lafta gareen.
Halkan hoose ka dhegeyso gudoomiyha gudiga doorahsada oo hoosta ka xariiqaaya in uu xulan yahay baarlamaanka labaad ee koonfur galbeed