Maamulka Somaliland oo Ka Hadley Dagaalo Ka Socda Deegaano Ka Tirsan Gobolka Sanaag

0
85

Taliska guud ee ciidamada Somaliland ayaa faah faahin ka bixiyey dagaallo saaka iyo shalay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Sanaag.

War qoraal ah oo ka soo baxay milatariga Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in saaka abaaro 6:30 subaximo ay Puntland dagaal ka bilowday deegaanka Kadhada oo 18 KM u jira magaalada Yube oo hoostagta gobolkaasi.

Somaliland waxay sidoo kale warkaan ku sheegtay in dagaalkaasi ay guullo ka soo hoyeen ciidankeeda, islamarkaana ay ku qabsadeen hub iyo gaadiid dagaal intaba.

Sidoo kale Somaliland ayaa Puntland ku eedeysay in ciidankeeda ay shalay weerareen guddoomiyaha Laasqoray, islamarkaana uu ka badbaaday isku day la rabay in lagu dilo, sida ay hadalka u dhigtay.

Qoraalkaaan ayaa sidoo kale lagu sheegay in Puntland ay daandaansi ka wado degmada Badhan iyo deegaanada ku xeeran.