Banaanbax Maanta Ka Dhacay Magalaada Beledxaawo

0
100

Banaanbax aad u balaaran ayaa maanta waxaa uu ka dhacay Degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo, kaasoo lagu taageerayay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya loogana soo horjeeday hadal kasoo yeeray Mareykanka.

Banaanbaxa ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gedo, waxaana looga soo horjeeday hadalkii dhawaan kasoo yeeray Isuduwaha siyaasadda ee Mareykanka u qaabilsan Golaha Ammaanka, Rodney Hunter, kaasoo uu ku sheegay inay qalad aheyd Ciidankii Dowladdu geysay Gobolka Gedo.

Dadka banaanbaxa dhgayay ayaa waxaa ay sheegeen in dadka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo madax bannaan oo ismaamula, isla markaana hadalkii kasoo yeeray Rodney Hunter uu yahay mid waxba kama jiraan ah Ciidamada Dowladana ay tegi karaan meel kasto oo dalka ah.

Dhinaca kale banaanbaxayaasha iyo mas’uuliyiintii ka qeyb gashay ayaa waxaa ay dowladda Kenya ku eedeeyeen inay faragelin ku heyso dhulka Soomaaliyeed,iyaga oo digniin culus u direy.