Madaxweynaha Dowladda kenya Uhuru Kenyatta ayaa waxaa uu kulan arrimo badan looga hadlay la qaatay hoggaamiyeyaaasha Siyaasada ee gobolka Waqooyi Bari oo Soomaalida ay ku badan tahay ee dalkaas.
Xubnaha uu Madaxweynaha Kenya la shirey ayaa waxaa kamid ah, Guddoomiyaha Magaalada Wajeer Maxamed Cabdi, Guddoomiyaha Mandheera Cali Roab, Guddoomiyaha Garissa Cali Korane & hoggaamiyaha aqlabiyada Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale, iyaga oo ka wada hadley xaalada Guud ee Amniga deegaanada gobolka Waqooyi Bari iyo weerarada ay ka fuliyaan Ururka Al-Shabaab.
Wargeysa The Standard ayaa daabacay in Madaxweyne Uhuru Kenyatta uu hoggaamiyeyaasha Soomalida ee uu la kulmay ku amray in muddo 14 Cisho ah xal u keenaan weerarada ay gobolkaas ka fuliyaan Al-Shabaab.
Sidoo kale Madaxweynaha Kenya ayaa la sheegay in uu kulanka ka sheegay in marnaba aan la ogolaan karin inay sii socdaan weerarada Al-Shabaab ay ka fuliyeen Gudaha Kenya gaar ahaan Waqooyi Bari.